Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay xaalada magaalada Baladweyne oo ciidan hubeysan ay la wareegeen

Wararkii ugu dambeeyay xaalada magaalada Baladweyne oo ciidan hubeysan ay la wareegeen

Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa wararkii ugu dambeyay ee saakay laga helayo waxa ay sheegayaan iney dagantahay islamarkana xaalka uu caadi yahay.

Waxaa magaalada ku dhex jira iyo xarumaha maamulka ciidamada la baxay Badbaadada Hiiraan kuwaa oo xalay la wareegay meelaha ugu muhiimsan ee Baladweyne sida xarunta uu ku shaqeeyo maamulka Hirshabelle.

Sida an wararka ku helnay ciidanka magaalada qabsaday waxaa hogaaminaya saraakiil katirsan ciidanka milatariga oo taageero ka heesta shacabka magaalada kuwaa oo si weyn uga soo horjeeda in magaalada Baladweyne tago Cali Guuddlaawe.

Goobaha ganacsi iyo xarumaha waxbarashada ayaa saakay furan, waxaana shacabka magaalada si weyn u hadal hayaa dhacdooyinkii xalay iyo ciidamadan la wareegay qeybo kamid ah magaalada, waxaa sidoo kale shacabka cabsi ka qabaan in dagaal dhaco.

Waxaa saakay magaalada Baladweyne ka socda kulamo ay leeyihiin odayaasha dhaqanka ,masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada kuwaa oo ka arinsanaya sidii loo dejin lahaa xaalada magaalada Baladweyne loogana baaqsan lahaa in dagaal ka dhaco.

Weerarkan xalay ciidamada Badbaado la baxay ku qaadeen magaalada Baladweyne ayaa imaanaya xili la sheegay in uu socdo qorshe Madaxweynaha Hirshabelee Cali Guudlaawe lagu geyn lahaa magaalada Baladweyne oon maaamulkiisa aan laga taageersaneyn.

 

Source link