Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay goorta ay bilaabaneyso doorashada Aqalka Sare ee Jubbaland

Wararkii ugu dambeeyay goorta ay bilaabaneyso doorashada Aqalka Sare ee Jubbaland





Waxaa maanta la filayaa in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu shaaciyo liiska musharaxiinta Aqalka sare ee Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in liiska la filayo aaney ka marnaan doonin inta badan kuwa maamulka uu raali ka yahay halka kuraasta qaar laga yaabo in aan lala tartaminba!

Soo bandhigidda liiska waxaa xigi doona in la siiyo musharaxiinta labo maalin oo olole ah, halka sidoo kale lasoo dhejin doono waqtiga khudbadaha iyo xilliga doorashada.

Jubbaland sida ay u qabato doorashada Aqalka sare waxay fure u noqon doontaa sida ay u dhaceyso doorashooyinka kale.

Jubbaland ayaa kamid ah ayaa maamulada sida weyn la isugu hayo Xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa Golaha shacabka ee ka soo bixi doono kuwaa oo mucaaradka iyo taliska Farmaajo ay ku loo lamayaan.

 




Source link