XOG: Gaadiid Dagaal Oo Soomaaliya Udirtay iIaalinta Xuduuda Kenya

Gaadiid dagaal oo loogu talo galay inay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Adeegsadaan ayaa Diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho.

15 Baabuur ayaana la sheegay inay ahaayeen kuwaas oo ciidamada Xuduuda Soomaaliya wadaagaan ilaalo ka qaban doona.

Gaadiidka ayaa la geeyey dhinaca Dooloow,iyagoo kadib Xuduuda Kenya loo kaxeyn doono.

500 Askari ayaa dhawaan Tababar loogu soo xiri doonaa Xero ku taalla Dooloow,kadibna Qalabeyn waxaa loo qaadi doonaa dhinaca Xuduuda si ay u ilaaliyaan.

Dagaal Qaboow ayaa ka dhex jiray Muddooyinkii dambe Kenya iyo Soomaaliya hadda ayaana ay umuuqataa in Xurguftooda ay xargaha goosato. 5fd7d2f1ba35a