XOG: Beesha caalamka oo ka cabsi qabto in Hawiye iyo Farmaajo ku dagalamaan Muqdisho iyo xogo cusub oo shegaayo…

Warar hoose oo lagu kalsonaan karo aan ka helnay ilo u dhow dhow xarunta Xalane ayaa shegaayo in walaac xoogan soo wajahay kadib markii ee heleyn xogo shegaayo in dagaal ka qarxo Muqdisho.

Ilaha aan xogta ka helnay ayaa shegaayo in beesha caalamka heshay xogo shegaayo in magaalada Muqdisho mar waliba kadhici karaan dagaal udhaxeeyo ciidamo ka amar qaata Farmaajo iyo beesha Hawiye.

Beesha caalamka ayaa lashegayaa in cabsida ugu badan xiligaan ka qabaan maleeshiyo beeleedyo udhashay beesha hawiye in dagaal ka abuuraan Muqdisho isla markaana la xakameyn waayo.

Beesha caalamka ayaa haatan isku dayeesa in xakameyso dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed oo qadaayo madaxweyne Farmaajo dhanka doorashada madaama ku qanacsaneyn musharixiinta utaagan xilka madaxweyninimo oo u badan beel weynta Hawiye.

Isku soo wada duub magaalada Muqdisho waxa mudooyinkii ugu danbeeyay kasocda qorshayaal looga soo horheydo dowlada halka mararka qaar dhacayeen kuwa looga soo horjeydo mucaaradka.

  5fdba10cea856