Xildhibaanadii Puntland ee Xasaanada laga qaaday oo War cusub soo saaray

Magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland waxaa kulan gaar ah ku yeeshay sideed Xildhibaan oo katirsan baarlamaanka maamulkaasi oo dhawaan golaha Wakiilada Puntland xasaanada ka qaadeen.

Xildhibaanadan ayaa diiday in xasaanada laga qaaday, waxa ayna sheegeen in wali yihiin Xildhibaano sharci ah oo katirsan Baarlamaanka maamulka Puntland ayna tagi doonaan xarunta si ay shirarka ka dhacaya uga qeyb galaan.

 

Waxa ay sheegeen Xildhibaanadan in aysan marnaba ogolaan doonin xasaanad ka qaadista la sheegay in lagu sameeyay ,waxa ayna tilmaameen in xasaanad ka qaadistooda aan loo marin sifo sharci ah balse aheyd mid ay ka dambeesay Siyaasad.

Xildhibaanadan ayaana ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu gadaal ka riixayay qorshaha xasaanada looga qaadayay si isaga iyo maamulkiisa aan loola xisaabtamin.

Xeer ilaalinta maamulka Puntland ayaana ku eedeesay Xildhibaanadan xasaanada laga qaaday in ay jabiyeen sharciga kuna tunteen xeer hoosaadka golaha uyaal, waxa ayna xeer ilaalinta amartay in lala socdo dhaq dhaqaaqooda lana soo taago maxkamad.

  5fcb4e222f697