Uhuru oo digniin soo saaray, xili ay taagan tahay xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya

Uhuru Kenyatta ayaa digniin u diray dalalka shisheeye, isla markaana ka codsaday inay ixtiramaan go’aamada dalkiisa, sida ay ku warrantay warbaahinta The Citizen.

Waxa kale oo uu xusay inay soo dhaweynayaan wada-shaqeynta dalalka caalamka, balse aysan ogolaan doonin xukuumadiisu in la hago oo wax loo yeeriyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan idiin ka codsanayaa in aad joojisaan isku dayada ku aadan in aad hagtaan, waxaa inoo cad halka aan dooneyno in aan aadno” ayuu yiri madaxweynaya Kenya, Uhuru Kenyatta.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan idinka codsaneynaa in aad nagu soo biirtaan si aad inooga taageertaan si aan wax u qabsanno balse hana soo fara-gelinina, ma ogolaaneyno in aad wax inoo yeerisaan oo aad ina hagtaan”.

Hadalka madaxweynaha Kenya ayaa imanaya xili uu sii xumaaday xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya, oo iyadu ku eedeysay xukuumadda Nairobi faro-gelin qaawan oo ka dhan ah, mana cada in beesha caalamka ay cadaadis ku saareyso arrintaas iyo inkale.

  5fcb6106a56ba