SIR CULUS: Madaxweyne Farmaajo oo Shuruud Ku Xidhay kenya Si Xiriirka U Soo Celiyo In kenya Ciidankeeda La Baxdo

Warbaahinta Kenya ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya shuruud kenya ku xidhay si Dowladda Soomaaliya u soo celiso xiriirka kenya inay fuliso,taasi oo ku adkaatay shirkaasi in lagu balan qaado inay fulinayso kenya.

Kulankan uu Uhuru la qaatay Farmaajo iyo madaxda kale ee gobolka ayaa yimid kadib markii  Kenya  ku hanjabay in uu dalka ka saari doono ciidamada difaaca Kenya (KDF).

Askarta Kenyaanka ah waxay ku sugnaayeen Soomaaliya tan iyo bishii Oktoobar 2011 .

Madaxweynaha Soomaaliya si kastaba ha ahaatee, wuxuu hadda doonayaa in ciidamada laga saaro dalkiisa tallaabo looga gol leeyahay in lagu jaro dhammaan xiriirkii hore u la lahaa Nairobi.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu Doonaya In Soomaaliya laga saaro ciidanka kenya ee KDF laguna bedelo askarta Eriteriya ,Si kastaba ha ahaatee fulinta qorshahan ayaa ah, mid cakiran maadaama ciidamada Kenya ay hadda ku shaqeeyaan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), oo ah hawlgal nabadeed oo heer gobol ah oo ay ku shaqeeyaan Midowga Afrika (AU) oo ay oggolaansho ka heleen Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

  5fe26d525d4e7