Qorshe Halis Ku Ah Dalka Kenya Oo Villa Soomaaliya Ku Dhawaaqeyso

Dawlada Soomaaliya ayaa dib usoo ceshaneysa Qabkii ay laheyd marka loo eego sida ay uxakameneyso daan daansiga ay Kenya Wado.

Soomaaliya ayaa Dacwad ka gudbisey Xalay Xukuumada Nairobi Taas oo isha lagu wada hayey,waxa fal celin ka imaan doonto IGAD oo Dacwada qabatay.

Shir ka dhacaya 20-ka Bishaan Isbuuca Dambena ku aadan ayaana la filayaa in Jabuuti la iskugu yimaado Arinta Kenya lagu soo oogayna laga arinsado.

Villa Soomaaliya ayaa ku dhawaaqeysa Go’aan Halis ku ah Kenya oo laga yaabo in loo aqoonsado Dal Cadow ku ah Soomaaliya.

Taas waxay saameyn ku yeelan doontaa Boqolaal Kenyaan ah oo Shaqooyin  ku heysta Soomaaliya iyadoo Xiriirka Labada Dal uu sii xumaanayey,hadana Soomaali Badan ayaa ganacsi waa weyn ku leh Gudaha Kenya.

  5fd7e8c8383b9