Muqdisho Oo Jawi Ciidan Gashay & Askar Dhar Cusub wata Oo La arkay

Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya isbuucyadii dambe xamaasada Doorashad aiyo muranada ka dhashay ayaa aad loo dareemayey.

Ciidamo badan ayey Dawlada soo dhoobtay inta badan Fariisimaha gaadiidka lagu hubiyo,islamarkaana ay aad amniga u adkeeyeen.

Ciidan dhar cusub ku labisan oo hore loo arki jirin ayaana la arkayey kuwaas oo darees buluug ah xiran lana sheegay inay yihiin Nabad sugida Cutub katirsan.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayey Magaalada ku jirtaa oo laga dareemayo Dhinaca Mucaaradka oo difaac ku jira iyo Askar dawlada Katirsan Oo Sheeda kala socda dhaq dhaqaaqyada Mucaaradka.

Shacabka Muqdisho ayaa dalbanaya in aan jid dagaal Soomaaliya lagu celin iyadoo la sameyn karo waddo Xal kale la sameyn karo.

  5fdf8f0c8cb93