Maxaa dhici kara haddii la qabto doorashooyin ay Jubbaland iyo Puntland ka maqan yihiin?

Maalin uun markii xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqay inay go’aansatay hirgelinta doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan, ayaa waxaa soo baxaya su’aalo ku aadan suurtagalnimada in xal loo helo khilaafka hareeyay doorashada Soomaaliya.

In kastoo in dhawaale ay socdeen dedaallo loogu kala dab-qaadayo dowladda dhexe iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland, haddana ugu dambeyntii xukuumadda oo ay wehliyaan qaar ka mid ah maamul-goboleedyada dalka ayaa sheegtay in “laga tashanayo” labadaasi maamul ee aadka uga arragtida duwan dowladda dhexe.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa lagu sheegay in ra’iisulwasaarahu uu kulan la qaatay madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayna isla garteen oo ay go’aansadeen in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

siyaasiin

Ra’isulwasaare Rooble ayaa shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo madaxweynayaahsa maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir ayaa sheegay in safarradii uu ku tegay qaar kamid ah gobollada dalka ay ahayd sidii loo xallin lahaa tabashooyinka ay qabaan qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Hadalkaasi kadib waxaa markiiba tallaabadaasi ka biyo diiday qaar ka mid ah musharixiinta mucaaradka, waxaana Ridwaan Xirsi Maxamed, oo ah muasharrax madaxweyne isla markaana afhayeen u ah midowga musharrixiinta mucaaradka, ayaa hadalkaasi xukuumadda ku tilmaamay “hadal lama filaan ah.”

Kali-talisnimo

Madaxweynaha Juballand Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madobe) oo maanta ka hadlay go’aanka xukumadda ayaa ka digay in la qabto doorasho aan loo dhameyn.

“Waxaan ka digayaa in farriimo aan jirin la is weydaarsado, doorashadana la yiraahdo hebel iyo hebelow qabta…hebel iyo hebel oo bannanka ka jooga waxaa ka imaan karaa waan garaneynaa, Soomaaliya haddii ay xamili karto anaa iri iyo keli-talis ma aysan burburteen, maxaa diidaya in la isu yimaado..?” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Haddaba su’aashu waxay tahay go’aankaasi xukuumadda ma yahay mid fududeyn karaya arrimaha doorashada maxaase dhici karaya hadduu labada maamul-goboleed ee Jubbaland iyo Puntland ay ku adkeystaan mowqifkooga ay haatan taagan yihiin.

Dr Ibraahim Faarax Bursaldiid oo ah khabiir ka faalooda arrimaha gobolka, gaar ahaan siyaasadda Soomaaliya, ayaa waxa uu rumeysan yahay in go’aankaasi dowladda uu yahay mid aan loo dhameyn kali-talisnimo ay ka muuqato.

“Sida muuqata ma ahan go’aan loo wada dhanyahay, waloow xukuumadda ay tahay hay’adda ugu sarreysa siyaasad ahaan iyo dastuur ahaan dalka, go’aamadeeduna ay ahayd in la wada qaato oo jamhuuriyadda iyo waxa gudaheeda oo dhan ay u hoggaansamaan. Haddana waxaad moodaa marka la fiiro Soomaaliyada maanta lagu jiro, in ay muhiim ahayd in la galo wada-hadal dhab ah dadka la isu keenyo. Sidaa daraadeed, waa go’aan dhinac ah oo aanay Soomaalidu wada lahayn ayna tahay in wax la xeeriyo oo dib la isugu noqdo,” ayuu yiri Dr Bursaliid.

“Hadda sida xukuumadda ay u tabar la’dahay oo ay u talo xuntahay waxaa ka sii liita waxa aan u naqaanno mucaarad oo aanba mucaarad ahayn. Maamullada laftigooda malaa’ig ma ahan. Si gaar ah Garoowe iyo Kismaayo marka la fiiriyo madax-adeeggii hal cabbaar ahba ka soo muuqday iyo taariikh ahaan waxa ka dhaxeeyo Muqdisho iyo Kismaayo marka aad fiirisid ma aha arrin wanaagsan. Walow aad moodid si xukuumaddu inay u yara kali-talinayso, waxaad moodaa in Kismaayo iyo Garoowena in ay hilmaansan yihiin muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wada jirka Soomaalida.”

Dhanka kale, Bursaliid ayaa sheegaya in go’aanka dowladda uu mustaqbalka sababi karo in la dhiso baarlamaan ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland, taa oo uu sheegay in aan la huri doonin in labada dhinac la isku keeno.

siyaasiin

Faragelinta beesha caalamka

Dhawr jeer oo hore ayaa khilaaf soo kala dhex galay dowladda iyo maamullada dalka waxaa soo farageliyay beesha caalamka oo Soomaaliya dhinacyo badan ka taageerto.

Dad badan ayaa haatan rumeysan in khilaafkan cusub oo sababi doono in beesha caalamka ay soo farageliso arrimaha taagan, taa oo Dr. Bursaliid uu sheegayo in laga habboon yahay oo ay tahay in madaxda Soomaalidu ay tahay in iyaga ay wada hadlaan.

“Khilaafku waa uu sii xoogeysanayaa, khasabna waxaa noqon doonto aakhirka in taladu ay ajaaniib faraha soo geliyaan oo la wada idmo dhammaantood. Qaarkoodna amar la siiyo qaarkoodna la idmo, dhammaantoodna mar kale gogosha la isugu keeno. Marka waxaad moodaa in ay ka fiicnaan lahayd in la af-goobaadsado oo hadda inta goori goor tahay oo aanay faragelin shisheeye iyo is-cadaadin imaadin in Soomaalidu ay u tashato masiirkeeda, sidaa daraadeedna ay wada hadasho oo ay fariisato.”

Dhawrkii sano ee la soo dhaafay waxaa taagnaa khilaafka ku saabsan doorashada ay tahay in sanadkan ay dalka ka dhacdo iyo sidoo kale shirir ay yeelanayeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya balse waxaan wali suurtagelin in heshiis laga gaaro.

siyaasiin

17-kii bishii Sebtembar ayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda oo ku shiray magaalada Muqdisho waxay ku heshiiyeen qodobbo dhawr ah balse fulinta wixii lagu heshiiyay ayaa sababay muran kale, arrintaa oo sababtay in maamullada Jubbaland iyo Puntland ay gooni ka noqdaan dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada kale.

Madaxweynaha Galmudug madaxweynaha oo maalmihii la soo dhaafay u kala dab-qaadayay dowlada dhexe iyo labadani maamul-goboleed ayaa sheegay in markii uu dhawaan tegay Garowe madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland ay ka aqbaleen dhexdhexaadin.

“Waxay isoo dhiibeen qoddobo saddex ah oo ay ka dalbanayaan madaxda dowladda federaalka inay fulliyaan, si loo soo afjaro tabshooyinka ay ka qabaan arrimaha doorashooyinka, kadib waxaa shir la galay madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Roble, intaas kadib waxaan dib ugu celiyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland go’aanka madaxda federalka ee doorashooyinka, si halka hadda la taagan yahay looga dhaqaaqo, dalkana ay uga dhacdo doorasho heshiis lagu wada yahay oo wkahtigeeda ku qabsoonto, waxaan rabaa in aan halkaan ku caddeeyo in wali wax jawaab ah aysan kasoo noqonin saaxiibadey, madaxda Jubaland iyo Puntland iyo dhinacyadii kale”, ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.

Heshiiskii Sebteembar 2020

Heshiiskii 17-kii Sebteembar ayaa ka koobnaa dhawr iyo toban qodob balse kuwooda ugu muhiimsan ayaa waxaa ka mid ahaa;

  • Kow: Madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu waxay sameysteen hab-raacyo aan dhameystirneyn, islamarkaasna waxay isku dayeen inay hirgeliyaan heshiiska ay gaareen.
  • Labo: heshiiska doorashada dadban wuxuu dhigayaa in maamul-goboleed kasta uu laba magaalo ku qabto doorashada dadban. Madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu waxay hab-raacyada qabyada ah ku sheegeen in loo asteeyey inay magaaalooyinka labaad noqdaan Garbahaarreey, Baraawe, Beledweyne, Gaalkacyo iyo Boosaaso.
  • Saddex: heshiiska doorashadu wuxuu siinayaa awoodda soo xulista ergada dooranaysa xidhibaanka odey-dhaqameedka, bulshada rayadka iyo dowlad-goboleedka. Dad badani waxay u fahmeen qodobkaan in madaxdu ay doonayaan inay ku boobaan doorashada.
  • Afar: heshiiska doorashada ee baarlamaanku ansixiyey wuxuu kaga hadlayaa doorashada xildhibaannada Soomaalilaand laba qodob. Labadaa qodob waxay sheegayaan in doorashadu ka dhacdo Muqdisho iyo in ergo wadajir ah ay doortaan xubnaha aqalka sare.
  • Shan: Ugu danbeyntii, heshiiska doorashada dadban wuxuu qorayaa ilaalinta qoondada haweenka oo ah 30% xildhibaannada. Waxaa la yaab leh inaan illaa iyo hadda aysan madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyaduba sheegin hannaanka loo marayo ilaalinta qoondada haweenka. Mar waxaa la soo jeediyey in kuraasta ay hadda gabdhuhu heystaan loo gooyo oo ay iyagu ku tartamaan.

5ffcb08e31505