Madaxweynaha Uganda Oo Kashifay Sir Kusaabsan Doorashada 2021

Markii 7aad ayuu doonayaa in uu kusoo baxo Doorashada Khamiista Isbuucaan ka dhaceysa dalka Uganda Uweri Museveni,iyadoo isha lagu wada hayo waxa dhici doona.

Museveni ayaa galabta Bogga uu Twitterka ku leeyahay soo dhigay Sir umuuqatay inuu qarin waayey oo aheyd inuu guuleysanayo labo malain kadib.

Madaxweyne Museveni oo 30 sano soo hogaaminayey Uganda ayaa mar kale doonaya in 14 bishaan inuu doorashada dhaceyso ku guuleysto sida muuqatana waa doorasho boob ah.

Qaar ka mid ah dadka aragtidooda ka dhiibanayey Qoraalka Madaxweynaha soo dhigay Twitter-ka ayaa waxay qaarkood sheegeen inaan loo baahneyn keligii taliye oo markaan dhiig cusub ay doonayaan in madaxweyne dalkooda ka noqdo.

Xaflado ayaa hadda lasii qaban qaabinayaa Magaalada Caasimada ah Ee Kampala si loogu taageero doorashada Museveni oo ay ubadan tahay in uu soo baxo,Nin dooran ayaa doorta la leeyahay.

Hadaba waxaa la is weydiinayaa xilliga isku soo aaday Doorashada Soomaaliya iyo Uganda,waxa uu Museveni sameeyo ayuu Farmaajo rabaa inuu raadkeeda qaado. 5ffcb3855607a