Iska hor imaad ka dhacay Muqdisho & wararkii ugu dambeeyey

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa is-rasaaseyn khasaare geystay oo maanta ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka oo ka dhacay agagaarka isgoyska Fagax ayaa waxa uu u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo muddo kooban dagaalamay.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo Booliis ah oo kala dareerinayey dad dhigayey dibad-bax looga soo horjeedo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamo kale oo milatari ah oo ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacantay iska hor imaadkaasi, kuwaas oo ah dhammaan dad shacab ah.

Xaaladda ayaa haatan u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac laga dareemayaa xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhanka waqooyi ayaa waxaa maanta ka dhacay banaan-baxyo looga soo horjeedo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo

  5fd8874a2a931