DF oo ka carootay hadal ka soo yeeray Axmed Madoobe, raali gelina ka dalbatay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wax laga xumaado ku sifeeyey hadal kasoo yeeray Madaxweyne Axmed Madoobe oo maanta khudbad ka jeedinayey shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubbaland aysan doorasho ka dhici karin inta buu yiri Jabhaddaha iyo maleeshiyaadka DF geysay Gedo laga saarayo, isagoo ula jeeda ciidamada DF ee halkaas horey loo geeyey.

Rooble ayaa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ka dalbaday  inuu saxo cudurdaarna ka bixiyo hadalka ka soo yeeray  ee ahaa in Ciidamada la geeyay Gedo uu ku tilmaamay ciidan jabhadeed.

“Waxaan rabaa inaan ka cudur daarto Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe laga yaabe inuu ciidamo jabhadeed ula jeedo, ciidamada qaranka Soomaaliyeed, haddii uusan ula jeedin inuu saxo ayaa rabaa, ciidamada Soomaaliyeed waa ciidamo qaranka Soomaaliyeed u taagan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kal horey Gobolka Gedo geeysay Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah, kuwaasoo dagaalo khasaaro geystay la galay Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee ku sugan xadka Belad-xaawo. 5fce603152c93