DEG DEG Wasiir Janan oo loo qabtay 48 Saac iyo Shacabka Mandhera oo Halis

Qaar ka mid ah Bulshada Ku dhaqan Magaalada Mandheera ayaa waxay cabsi weyn ay ka qabaan dagaal dhaco Awgeed ay Dawlada Kenya Ka Dalbadeen in 48 Saac gudaheed laga saaro Mandheera Ciidanka Janan uu wato.

Waxay Qaarkood Dadkani sheegeen in Beero ay leeyihiin Ciidanka Janan deggan yihiin oo ay dhibaato weyn ku qabaan,waana halka loo yaqaano Buulo Barwaaqo meesha uu joogo.

Dadkaan waxay sheegeen in Kenya iyo Soomaaliya dagaal ka dhex qarxa aysan faa’iido u arkeynin,iyagoo C/rashiid Janan iyo Ciidankiisa u arkaan mid dhibaato magaaladooda usoo jiidaya.

Haweeneey 60 sano ka badan da’deeda ayaa sheegtay in Mandheera ay ku dhalatay ayna xaaladii ugu xumeyd iminka dareemayaan Cabsida amni.

Waxaa laga dhowrayaa Jawaabta Dawlada Kenya ay kasoo saarto Baaqa kasoo yeeray Shacabka Mandheera,xilli Xukuumada Nairobi la sheegay in ay garab iyo gaashaan utahay Janan.

Dhawaan Wasiir Janan wareysi uu bixiyey waxa uu ku sheegay in Duleedka Beled xaawo kusugan yahay balse dadka Mandheera deggan maanta waxay sheegeen in gudaha Magaaladooda uu joogo C/rashiid Janan.

5fe25f95cb096