DEG DEG: Qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax xoog leh ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay wadada 21-ka October, gaar ahaan agagaarka isgoyska Afisyooni.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qarax lala beegsaday gaari loo maleynayo inuu lahaa qof masuul ah, in kastoo aan weli la ogaan cidda iska leh gaariga la beegsaday.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo hakad geliyey dhaq-dhaqaaqa wadada, si rasmi ahna looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Wixii ka soo kordha kala soco Allbanaadir Media 5ff4ad2a2af6f