Ciidanka PSF ee Puntland waxay maanta February 01, 2021 hawlgal ka fuliyeen degaanka Dolqooxle ee Buuraha Cal Madow oo hoostaga tuulada Afurur ee gobolka Bari.
Hawlgalkan ay ciidanka PSF fuliyeen ayaa yimid kadib markii ay ciidanka PSF heleen xog sheegaysa in ay Buuraleyda aaggaas ay yimaadeen kuna dhuumalaysanayaan Xubno ka tirsan Al Shabaab.
Howlgalkaan wali ma shaacin ciidanka qof lagu soo qabtay laakiin waxa ay sheegeen in ay bixin doonaan faahfaahino dheeri ah.
Ciidamada PSF way sii wadi doonaan hawlgallada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan Al Shabaab iyo Daacish sida ay sheegeen.