DEG DEG Madaxweyne Farmaajo oo la heshiiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Mucaaradka oo laba u kala jabay

Maxamed Xuseen Rooble wasiirka 1aad ee Xukumadda Soomaaliya iyo hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku shiray magaaladda Muqdisho ayaa kulankooda ka soo saaray hado is khilaafsan sida u cad qoraalo ay ku qeexeen ajandaha kulankooda.

DEG DEG Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shacabka ka dalbaday arin ku cusub ololaha doorashada Soomaaliya(Opens in a new browser tab)

Rooble ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Cabdiraxmaan Cabdishakuur “qabsoomidda doorasho daahfuran oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka la xiriira arrimaha doorashada iyo in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhami xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo niyad jab ku ah shacabka Soomaaliyeed” sida ku cad bayaan uu xaafiyay Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble

XOG XASAASI AH: Farmaajo oo dalbaday in loo kala dhex-baxo isaga iyo Axmed MADOOBE(Opens in a new browser tab)

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intaasi ku daray in uu “diyaar ugu yahay in uu la fariisto dhammaan siyaasiyiinta iyo daneeyeyaasha doorasha dalka, si uu uga dhageysto talooyinkooda, loona sii ambaqaado qabsoomidda doorasho loo dhanyahay”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kulankaasi ku matalay xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa sheegay in ay Ra’iisul wasaare Rooble ka “wada hadaleen tabashada doorashooyinka ee la xariira guddiyada, arrinta Somaliland iyo Gedo” .

Mr Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku qeexay in Mr Rooble u “balanqaaday in uu diyaar u yahay xalinta tabashooyinka iyo xaqiijinta doorasho si nabad ah oo daahfurnaan leh ku dhacda”.

Madaxweyne Farmaajo oo qaatay Go’aan Geesinimo leh !!(Maxaa soo kordhay)(Opens in a new browser tab)

Hoggaamiyaha Mucaaradka ah hadalkiisa ku daray “Waxaan kalooo ka wada hadalnay xorriyada ololaha doorashooyinka oo ay ka mid yihiin kulamada dadwaynaha iyo dibadbaxyada iyo laga wada shaqeeyo xasiloonida dlaka” .

Qadobada Xukumaddu sheegtay in ay kala hadashay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

  1. In doorasho dalka ka dhacdo waliba si nabdoon.
  2. Xalinta tabashooyinka ay qabaan siyaasiyiinta Mucaaradka ah.
  3. In dhinacyada Siyaasada Xil iska saaraan Xasiloonida dalka.
  4. In laga fogaado hadalkasto keeni kara kicin dadweyne.
  5. In Xukumadda dhagaysanays tabashada ay qabaan Musharixiinta.

Dhanka Kale Cabdiraxman cabdishakuur Ayaa Qodobo Kuwaasi Ka Duwan Shaaciyey Inuu kala hadlay Xukumada Soomaaliya ee Mucaaradka uu ku Ahaa.

Qodobada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Sheegay in uu kala hadlay Ra’iisul wasaare Rooble.

  1. Tabashada ay mucaaradku ka qabaan guddiga doorashooyinka.
  2. Qaabka loo marayo magacaabista guddiga doorashada Somaliland
  3. Dooda ka taagan ciidanka Dowladda ee ku sugan gobolka Gedo
  4. Xaqiijinta doorasho si nabad ah oo daahfurnaan leh ku dhacda.
  5. Xorriyada ololaha doorashooyinka sida kulamada dadwaynaha iyo dibadbaxyada .
  6. In laga wada shaqeeyo xasiloonida dalka.

5ff85fc7365e6