DEG DEG: Kenya Oo Hub Culus Siisay Wasiir Janan & Duulaan La Diyaariyey

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan ayaa laga dareemayaa oo iska soo horjeeda,Xuduuda ay Wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Cabsi ayaa soo wajahday dadka ku dhaqan dhinaca Mandheera,iyadoo Dawlada Kenya ay taageereyso ciidanka C/rashiid Janan.

Dhanka Xuduuda Beled xaawo ayaa ciidanka Xoogga Soomaaliya waxay difaac ka galeen weerar walbo oo dhinaca Kenya uga yimaada.

Xogta ay Warqaad heshay ayaa ah in ciidanka Jubbaland Ee C/rashiid Janan hogaaminaya ee kusugan Xerada Banyooleey Ee Mandheera ayaa waxa la sheegayaa in ay udiyaar garoobeen duulaan Beled xaawo ku qaadaan.

Saraakiisha Ciidamada xoogga Dalka Ee Xuduuda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in ay iyagu udiyaarsan yihiin,inay Kenya iska difaacaan hadii ay kusoo gardarooto Dhulka Soomaaliyeed.

  5fdb55602db1a