DEG DEG: Dowladda Somalia Oo Amar Culus Kasoo Saartay Garoonka Aadan Cadde +Ujeedka

Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Amniga Xukuumadda ayaa Goordhow soo saartay Amar ku aadan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Amniga Xukuumadda ayaa shaacisay in la joojiyay hubka lala galayo gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, xiliyada ay Garoonka kasoo degayaan Mas’uuliyiinta iyo Madaxdii hore ee dalka.

Amarka kasoo baxay Wasaaradda Amniga oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in hubka Garoonka ay la geli karaa oo kaliya Ilaalada la socota Madaxda dowladda Federaalka.

Si kastaba Amarkaan lasoo saaray ayaa kusoo aadaya, iyadoo Madaxweyneyaashii hore ee dalka iyo Musharaxiinta Madaxweynaha ay Garoonka galaan Ilaalada la socota, xiliyada ay Garoonka Aadan Cadde kasoo degayaan ama ka dhoofayaan.

  5ff1a1c667a87