DEG DEG: Diyaarad Rakaab Inkabadan 50 Qof La Socdeen Oo La waayey

Warbaahinta Caalamka ayaa daabacaya Warbixin kooban oo laga helayo Diyaarad Dad Rakaab ah la socdeen oo mar keliya la waayey Warkeeda.

Diyaarada ayaa waxa saarnaa 59 Qof oo Rayid ah islamarkaana waxay ka duushay Magaalada Jakarta Ee Caasimada Dalka Indonesia.

Weli waxaa socda Raadeerka lagu raadinayo Xogta Diyaaradaasi oo la waayey iyadoo Isgaarsiintii Diyaarada Kuxirneyd la weysan yahay.

Inay Qadka ka baxday ama shil gashay ayaa labadaas mid loo badinayaa,Dawlada Indonesia ayaa ku baaqday in Ehelada Dadka la socday Diyaaradaasi is dejiyaan. 5ffa0d4f80a3a