DEG DEG Ciidan kasoo Baxay Furimaha Ay Joogeen & Cabsi ka jirta Muqdisho

Ciidamadi Dawladda Fadaraalka ee Fadhiyay Deegaanada Hoostaga Dagmooyinka Balcad, Mahaday , Warta Sheekh iyo Afgooye ayaa Furimihi ay kujireen kasoo baxay waxaana ay kusoo jeedaan Magalada Muqdisho.

Lama Gaaranayo sabaabta ka Danbeysa Balse Waxaa lala Xidhiidhinayaa Iska Horimadyadii maanta ka Dhacay Magalada Muqdisho.

Ciidankaan ayaana kusoo wajahan Caasimada xilli cabsi weli dadku dareemayaan.

Ilo amni aan helnay waxay sheegayaan in NISA iyo Booliska Haramacad loo xilsaaray sugida nabad gelyada iyo baajinta falal arbushaad ah.

Banaanbax lagu diidan yahay Ololaha dib udoorashada Madaxweyne Farmaajo uu berri ka dhaco Muqdisho iyadoo maanta iskusoo bax dhiig ku daatay la dhacay Isgoyska Fagax. 5fd91fd0866c6