DEG DEG Ciidan Hubeysan Oo Kusoo qul qulay Muqdisho & Cabsi Xoogan oo Caawa Ka Jirta Muqdisho

Dhiilo colaadeed ayaa ka jirta Muqdisho,iyo dhaq dhaqaaqyo meliteri ay sameenayaan ciidamo iska soo horjeeda.

Waxa Murashaxiinta Mucaaradka ay si dadban ugu goodiyeen inay la dagaalamayaan Dawlada Hadda jirta maadaama ay Qaswade Madaxweyne Farmaajo ugu yeereen.

Korneel Masdile,Cusmaan Xaadoole,General Saneey Cabdulle Gaab,Abuukar Boonoow iyo Maxamed Cusmaan Joore oo ah saraakiil katirsan Xoogga Dalka ayaa abaabulaya dhaq dhaqaaqyo umuuqda Jabhad Dawlada dagaal inay la gasho dooneysa,wixii kaaraan Arbacadii Shalay ka dhacayna waa la ogaa.

Ciidamo Hubeysan ayaa lasoo sheegayaa inay Muqdisho soo galeen oo ka yimid Shabellaha dhexe,islamarkaana taageersan Saraakiishaasi.

Dhinacyada Siyaasada ayaa isku haya Doorashada,Dadka Rayidkana waxay ka baqanayaan in korkooda lagu dagaalamo,hadaladii Xanafta lahaa ay jeediyeen murashaxiinta Mucaaradka oo sii holcisey siyaasada cakiran Ee Marxlaada Kala guurka ka dhalatay. 5fe4ed00defd6