DEG DEG Ciidamo iyo gadiid dagaal oo Muqdisho kusoo wajahan kuna biiri rabo….

Warar hoose oo lagu kalsonaan karo aan ka helnay ilo u dhow dhow taliska ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa shegaayo in ciidamo xoogan kasoo baxayn jiidaha hore ee dagaalka.

Ciidamada jiidaha hore ee dagaalka kasoo baxay ayaa lashegayaa in kasoo jeedaan beelaha Habargidir iyo Abgaal iyo waliba beel weynta murusade waxaana lasheegayaa in cilaqaad la leeyihiin musharixiinta.

Ciidamadaan ayaa lashegayaa in wataan gadiidka dagaal iyo hub farabadan waxaana lagu wadaa in aroornimada hore ee beri soo garaan magaalada Muqdisho ayagoo kubiiri doono ciidamada ilaalada u ah musharixiinta mucaaradka.

Isku soo wada duub shacabka magaalada Muqdisho ayaa cabsi xoogan ka qabo in dagaal oo ka qarxo magaalada Muqdisho madaama bilihii ugu danbeyse laga daremaaye kacsanaan dhanka siyaasada ah oo kadhalatay doorashada.

  5fe3c70e177e0