DAAWO MUUQAAL :Yaab leh Ciidanka Somalia Geysey Xadka Kenya Horay Loo Arag iyo Dalka Ciidankani Ku Tageeray Somalia

Waxaa Dood Ka Dhalatay Ciidan Xoogan oo Soomaaliya soo bandhigtay xadka kenya iyo Soomaaliya,warbaahinta Ayaa Sheegay inay ciidankani Ereteria Soo Tababartay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo ayaa maanta kormeeray xerada ciidamada xoogga ay kaga suganyihiin Degmada Doolow, halkaas oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka sida.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

Ciidamadaan ayaa qeyb ka ah ciidamada ilaalada xuduudaha ee Soomaaliya, waxaana guddoomiyaha Gobolka Gedo oo soo booqday xarunta ciidamada ayaa ku bogaadiyay shaqada ay hayaan, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibaaraan waajibaadka ka saaran difaaca ciidooda Hooyo.

Guddoomiye Cismaan Nuur Xaaji Macalimu ayaa ayaa xusay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay mas’uuliyad adag ka saarantahay adkeynta iyo nabadgelyada gobolka, ayna ka hortagaan cidkasta oo dhibaato ku ah Qaranimada Soomaaliya.

Ciidamadan oo dhawaan la geeyay Gobolka Gedo ayaa qorshahhooda yahay xoojinta Nabadgelyada iyo ilaalinta amniga xuduudaha.

  5fe4fdb466ba4