C/Raxmaan C/shakuur ”Haddii Farmaajo xilkasnimo la iman waayo, labo midkood ayey noqon’

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka digay in dalka ka dhacdo doorasho aan heshiis lagu aheyn taa oo dhibaato dalka gelin karta.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa tusaalooyin usoo qaatay murano ka dhashay doorashooyinka qaar kamid ah wadamada caalamka balse markii dambe la xaliyay laguna heshiiyay , isaga oo sidoo kale xusay in dhibaatada Itoobiya horseeday muran doorasho.

Musharaxa ayaa sheegay hadii Madaxweyne Farmaajo xilkasinimo iyo masuuliyad la imaan maalmaha yar ee u haray ayna xalka noqon doonto labo arimood oo kala ah in Beesha Caalamka faragalin sameyso ama ay isku dhacaan Farmaajo iyo dadka Muqdisho.

Halkan ka AKhriso Qoraal uu arintan uga hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Xilkas maaha cidda u durbaan tumaysa doorasho aan la isku raacsaneyn. Dhammaadkii sanadkii 2007 Kenya xasarad siyaasadeed ayaa ka aloosantahay, dalkuna dagaal ahli ah ayuu qarka u fuulay, haddii aysan beesha caalamku gurmad u fidin lahayn, sababtuna waxay aheyd doorasho la isku diidanaa .

 

Dagaalka maanta Itoobiya ka socdaahi wuxuu daaran yahay muran doorasho la xariira, kaddib markii Gobolka Tigreega ee TPLF ka talin jirtay ay diideen go’aankii ay dawlada Federaalka ah doorashada dib ugu dhigtay, taa bedelkeedana ay kaligood doorasho qabsadeen.

 

Mareykanka oo ah dowladdii dunida ugu tunka waynayd, dimoqoraadiyadana looga daydo, ayaa halis gashay kaddib markii doorashadii lagu murmay. Waxaase badbaadiyey hay’adaha qaangaarka ah ee saldhigtay, kuwaasoo kala sooci kara qof iyo qaynuun, damac shakhsi iyo dan qaran.

 

Dowladdii Soomaaliya waxa dumiyey, waa in kala guurkii siyaasadeed la maarayn waayey, oo talo kasta lagu kari waayey qoladii xilligaa xukunka haystay.

 

Haddii doorashada lagu heshiin waayo, dalkuna hay’ado xooggan oo dadka kala saara laheyn, maxay natiijadu noqonaysaa? Yaase dhibkii dhaca masuuliyaddiisa qaadaya?

 

Madaxweynayaashii xilka ka horreeyey Farmaajo goob mudan iyo mid aan mudnaynba waxay u fariisteen sidii doorasho la isla oggolyahay ku dhici lahayd, sababtuna waa in ay masuuliyadooda garteen.

 

Maanta madaxweyne Farmaajo waxaa laga la’yahay dadka isku keen oo hoggaan muuji. Haddii labada todobaad ee u harsan uu xilkasnimo iyo masuuliyad la iman waayo, labo midkood ayey noqon.

 

1-In beesha caalamka na kala gurto, ama 2- In madaxweyne Farmaajo iyo reer Muqdisho is mutaan, illeyn gobollada kale gacantiisu ma gaartee.

 

Waxaan rajaynayaa in ay tan hore noqoto, oo ay beesha caalamka is mudashada odayga naga badbaadiso. 600b36c963833