Banaanbaxayaal Lagu Rasaaseeyey Muqdisho & Jawi Ciidan Oo Weli Jira

Dhalinyaro iyo Haween isku soo baxay Maanta Barqadii ayaa lagu rasaaseeyey Xaafado katirsan Degmada Hodan Ee Muqdisho.

Dibad baxayaasha ayaa ku qeylo dhaaminayey erayo ka dhan ah Dawlada Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo.

Banaanbaxaasi ayey diideen Ciidanka Dawlada oo ay rasaas ku kala ceeriyeen dadka isku soo banbaxay.

Laamaha Amniga ayaa ka feejigan iskusoo bax walbo oo Amniga iyo siyaasada Dalka lagu xukumayo kasoo horjeeda.

Dadka qaarkiis ayaa ku tilmaamaya arintaan mid caburin ku ah Shacabka iyo cid walbo oo Mucaarad ku ah Dawlada Dhexe.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ayaa la dareemayaa ilaa isbuucaan markii isku dhac Talaadadii maalin ka hor dhexmaray Ciidamada Amniga iyo Rag Hubeysan oo Banaanbaxayaal ilaalinayey meel ku dhaw Isgoyska Fagax. 5fdb563ee7f5c