Al Shabaab Oo Weeraray Shacab Dhawaan La Saftay Ciidanka Galmudug

Wararka inaga soo gaaraya Govolka Mudug ayaa sheegaya in xaaladu ay maant adeggan tahay kadib dagaal halkaasi ka dhacay habeenimadii Xalay.

Al Shabaab ayaa xubno katirsan ay weerar ku qaadeen deegaanka Bacaad weyn iyagoo beegsaday shacab dhawaan la saftay ciidanka Galmudug dagaal halkaasi ka dhacay.

Meesha loo yaqaano Shabeeloow ayaana la sheegay in Al Shabaab ay Qaraxyo ku bur buriyeen Ceel biyood deegaanka biyaha ka cabi jireen.

Iskacaabin ayey sameeyeen dadka deegaanka oo dagaal ayaa dhexmaray iyaga iyo Al Shabaab,Gudoomiyaha Bacaad weyn oo Gobolka Mudug Koonfurteeda ku taalla Axmed Daahir ayaa sheegay in ay la dagaalami doonaan AL Shabaab.

5ff5f39114aff