Abaabul xoogan oo caawa kasocda Muqdisho oo MD Farmaajo lagu farxad gelinaayo

Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa sida la qorsheeyey ka hadli doona Bannaanbax lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo oo berri oo Khamiis ah dhici doona.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaana loo xilsaaray qaban qaabinta bannaanbaxaasi lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo, kaasoo ka dhici doona fagaaraha Taalada Daljirka Daahsoon ee Muqdisho.

Guddoomiye kasta oo degmo waxaa lagu war geliyey in uu haweenka degmadiisa uu isku soo bixiyo.

Shacabkii Mucaaradsanaa Madaxweynaha, Ciidanka dowladda ayaa weerar ku qaaday iyaga iyo Askar dharcad ah oo waardiyeynaysay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in Caawa Lacag ku bixinayo isku soo baxa berri la abaabulay,sidii uu unoqon lahaa mid ka saameyn badnaada kii Talaadadii Shalay dhacay. 5fda694e227c9