WAR DEG DEG: Kismaayo Xildhibaan Xidig oo Wacad Ku Maray Inaysan Caleema Saarka Madaxweyne Axmed Madoobe Nabad Ku Dhacayn

Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalena kamid ah xubnaha la magac baxay badbaadada Jubbaland ayaa ka hadlay Wafdigii Maanta gaaray gaaray Magaalada Kismaayo.

Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan,C/Kariin Guuleed iyo Xildhibaano ayaa lagu soo dhaweeyay Kismaayo,iyagoona halkaas ku gaaray diyaarad khaas ah.

Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in wafdigii ugu horeeyay ee doonaya ka qeyb galka Caleemo-saarka Axmed Madoobe ay soo gaareen Kismaayo,halka kuwo kalena ay u diyaar garoobayan inay yimaadaan si ay u Caleemo-saarka.

War qoraal ah oo bartiisa uu kusoo qoray Cabdirashiid Xidig ayuu dowladda Federaalka ugu baaqay inay soo fasaxdo Wufuuda kale ee ku sugan Muqdisho ee u soo socda Kismaayo,isla markaana doonaya inay ka qeyb galaan Xaflada Caleemo-saarka Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Sidoo kale Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa shacabka Jubbaland ugu baaqay inay u diyaar garooban badbaadada dalka iyo dadka soomaaliyeed,isla markaana ka Codsay inay u istaagaan ka hortega wax uu u yeeray kooxda Qaran Dumiska waa sida uu hadal u dhigay.

Hoos ka Akhriso Warka Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Shacabka soomaaliyeed Gaar ahaan isbedel doonka Jubaland, sidaad la socotaan waxaa galabta kismayo yimid kooxdii ugu horeeyay ee kooxda Qaran dumiska, Intii kalena waxay u diyaar garoobayaan inay yimaadaan si ay u caleema saaraan nin aan la dooranin,

Dowlada Federaalka Waxaan ugu baaqayaa inay soo fasaxdo kooxda qaran dumiska inta xamar joogta ee kismayo usoo socota ee doonaya inay caleema saarka beenta ka qeyb galaan:

(Waxaan hubaa inaysan Guul kala dheel maneynin hadii rabi idmo)
Shacabka ree Jubaland ee xalaasha ee isbedel doonka Waxaan ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan badbaadada dalka iyo dadka soomaaliyeed:

Shacabka soomaaliyeed meel kastoo uu joogo Waxaan ka codsaneynaa inay taageeradooda nala garab istaagaan,

Jubaland Waxaa la rabaa In loo isticmaalo Xarun laga abaabulo ololaha Doorashada Federaalka ee 2021 Sidoo kalena laga dumiyo qaranka soomaaliyeed :

Shacabka soomaaliyeed Gaar ahaan Isbedel doonka Jubaland waxan ugu baaqayaa inay u diyaar garoobaan ka hor taga kooxda Qaran Dumiska:

Fikradaha Akhristayaasha (0)




….

x