WAR DEG DEG AH:Maleeshiyaadkii u badnaa Oo Hubeysan Oo La Wareegay Saldhiga Magaalada Gaalkacyo & Xaaladda Oo Kacsan

Gaalkacayo (Banaadirsom)-Wararka laga helayo Magalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay Maanta la wareegeen saldhig ku yaalla mid ka mid ah Xaafadaha Waqooyi ee Magalada gaalkacyo.

Dad ku sugan Magalada Gaalkacyo ayaa soo sheegeen in Maleeshiyaadka oo uu hoggaaminayo Nin Magaciisa lagu soo gaabiyey  Dhuuhdan ay la wareegeen Saldhiga bartamaha oo ay ku shaqeeyaan ciidanka ilaalinta canshuuraha dowladda hoose oo ku yaalla Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in maleshiyaadka Saldhiga la wareegay ay Ganacsatada ka qaadayeen ilaa saakay canshuuro,isla markaana ay qabanayeen Shaqadii ciidamada ilaalinta canshuura ee dowladda hoose ee Magalada Gaalkacyo.

Sarkaalka ciidanka Hoggaaminaya ee Magaciisa loo soo gaabiyey Dhuuhdan ayaa mar soo noday Madaxa baarista iyo dabagalka dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo,hayeeshee waxaa xilkaasi ka qaday gudoomiyihii hore ee Magalada Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad.

Laamaha Amniga ee Gobolka Muudg Puntland iyo Mas’uuliyiinta degmada Gaalkacyo ayaa ila iyo hadda ka hadlin maleeshiyaadka qabsaday  Saldhiga bartamaha oo ay ku shaqeeyaan ciidanka ilaalinta canshuuraha dowladda hoose ee Magalada Gaalkacyo.