Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Taliyaha 14 October Oo Qarax lagula eegtay Sh/Hoose

WAR DEG DEG AH: Taliyaha 14 October Oo Qarax lagula eegtay Sh/Hoose





Sida ay inoo xaqiijinayaan ilo wareed lagu kalsoon yahay waxaa barqanimadii maanta qarax lagu weeraray kollonyo uu la socday Taliyaha Guutada 14 October Xoogga Dalka Soomaaliyeed C/raxiim Muunye.

Badweytims  ayaa saraakiil ka heshay xog ah in dhaawac uu soo gaaray Taliyaha oo marayey inta udhaxeysa Shalaanbood iyo Marka Cadeey.

Dhaawaciisa ayaa loo soo qaaday Muqdisho,lamana faah faahin khasaaraha dhaawac hadii uu intaas ku kooban yahay iyo askar waxyeelo kale soo gaartay.

Gudoomiyaha Marka C/llaahi Waafoow aan la xiriirnay ayaa inoo suurta geli weysay si aan wax uga weydiino qaraxaasi taliye muunye ku dhaawacmay.

 




Source link