WAR DEG DEG AH: Al Shabaab oo la wareegtay gacan kuhaynta Degmada Dhoobleey oo muhiim u ahayd Jubbaland

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in saakay ay dagaal kula wareegeen deegaan u dhow degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose, kaasi oo u dhexeeya xadka soomaaliya iyo Kenya.

Deegaanka ay Al-Shabaab la wareegeen ayaa waxaa lagu magacaabaa Bed-alamo, waxaana halkaasi horay uga sugnaa Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland ay isaga baxeen deegaanka Bed-alamo ee hoostaga degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka Maamulka Jubbaland.

Dhanka Kale Warbaahinta Al-Shabaab ayaa daabacday in dagaalamayaashooda ay saakay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Bed-alamo.

Weli ma jirana xog intaasi ka dheer oo laga helay warka ka soo baxay Al-Shabaab.