WAR CUSUB: Madaxweynayasha,Galmudug,Hirshabelle Iyo Koonfur Galbeed oo Diidey Ka Qeyb Galka Caleema Saarka Kismaayo

Saddexda madaxweyne ee Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa qeyb ka aheyn Madaxda maamul Goboleedyada ee ka qeyb galaya Xafladda caleema saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Maamulka Jubbaland uu casuumaad u diray Maxamed Cabdi Waare, C/xasiis Lafta-gareen iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf,balse ay kaga jawaab qaab ku haboon habka xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Xog isdhaafsiga Maamulada

Dhamaman Maamuladan saddexda ah ayaa si weyn ugu xiran Dowladda Federaalka marka laga reebo maamulka Galmudug oo xoog lagu maquuniyay,islamarkaana Xaaf lagu qasbay inuu xiriir wanaagsan la yeesho Villa Soomaaliya,maadama mudo cadaadis lagu hayay.

Axmed Madoobe,madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland oo qadka Taleefanka kula hadlay labo ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ee ka haray Xafladda Caleema saarka ayay kaga cudur daarteen iney ka soo qeyb geli waayaan Xafladda caleema saarka sababo jira owgood.

Dowladda Dhexe iyo Beesha caalamka ayaa aqoonsaneyn doorashooyinkii ka dhacay magaalada Kismaayo ee saddexda madaxweyne lagu doorto inkastoo mucaaradka Dowladda Xoogooda isugu geeyeen Axmed Madoobe.