WAR CUSUB: Farmaajo Oo Diiday Banaanbaxa Mucaaradka Ee Sabtida & Shuruud lagu xiray




Waxaa la isku khilaafsab yahay Goobta uu ka dhici doono dibadbaxa looga soo horjeedo Madaxwaynaha waqtigu ka dhammaaday Mudane MaxamedCabdullaahi Farmaajo.

Guddiga qabanqaabada Banaanbaxa ee dhinaca Mucaaradka & xubnaha Xukuumada ee uu horkacayo Ra’iisal wasaaraha ayaa ku kala aragti duwanaaday markii kulan ay caawa ku yeesheen hotel Decale ee Muqdisho.

Shirkaas ayaa lagu soo hadal qaaday in la badelo goobta bannaanbaxa loo qorsheeyey oo ahayd Fagaaraha ‘Daljirka-Daahsoon’.

Dalabkaasi waxaa ku gacan seeray xubnaha midowga musharaxiinta oo mowqifkooda ku adkeysanaya.

Madaxwayne Farmaajo ayaa lagu eedayey inuu isku dayayo in uu marba dhinac u jeediyo isfahankii la gaaray islamarkaana si dadban udiidan qabashada Banaanbaxa.

Ma cada go’aanka ay qaadan doonaan Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha ee mucaaradka Oo dibad baxa uqorsheysan yahay 6 bisha Oo sabtida ku beegan.





Source link