Home Ciyaaraha Walaalka La Dhashay Amiirka Qatar Oo Ogolaaday In Uu Kylian Mbappe Ku...

Walaalka La Dhashay Amiirka Qatar Oo Ogolaaday In Uu Kylian Mbappe Ku Biiro Real Madrid – Banaadirsom

Walaalka Amiirka Dowladda Qatar, Khalifa bin Hamad Al Thani, ayaa aqbalaya dalabka Real Madrid ee saxiixa Kylian Mbappe kaas oo ay Los Blancos dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixiisa.

Real Madrid ayaa si aad ah u doonaysa saxiixa xiddiga Mbappe waxana ay xalay dalab Rasmi ah oo dhan 160 milyan oo euro ka gudbisay xiddiga reer France laakiin kooxda PSG ayaa isla markiiba diiday.

Walaalka la dhashay Amiirka Qatar ee Khalifa bin Hamad Al Thani ayaa baraha bulshada ku shaaciyay ogolaanshihiisa ku aadan in uu Mbappe ku biiro kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Khalifa bin Hamad Al Thani ayaa ah walaalka la dhashay Milkiilaha kooxda PSG Kaas oo kooxda la wareegay sanadkii 2011 ilaa haatana ka dhigay kooxda ugu awooda badan dalka France.

Khalifa bin Hamad Al Thani ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray”Fikir ahaantayda, waxa aan doorbidayaa in Mbappe 150 milyan looga iibiyo Real Madrid halkii uu qaab xor ah ku tagi karaa dhamaadka xilli ciyaareedkan”

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Aad Guursatid Gabadh Qurux Badan, Hadaba Ninow Haatan Ka Laabo Go’aankaas Hadii Aad Noloshaada Doonaysid, Ma Ahan Mid U Fiican Noloshaada

Source link