Wakiilka Romelu Lukaku Oo Shaaciyay Horyaalka Uu Xiddig Ku Wajahanyahay Marka Uu Ka Tago Blues. – Banaadirsom

Romelu Lukaku ayaa xagaagan kaliya ku soo laabtay Premier League laakiin weeraryahanka Chelsea ayaa ku soo laaban doona Serie A waqti ka mid ah xirfadiisa sida uu sheegay wakiilkiisa Federico Pastorello.

Xiddiga reer Belguim ayaa 98 ugu soo biiray chelsea xagaagiikadib markii uu Inter Milan kula guulaystay Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa u dhaliyay 5 gool laakiin dhaawac ku seegay 6 kulan tan ilaa markii uuu ku dhaawacmay kulankii Malmo ee bishii October.

Haatan xiddiga weerarka ka ciyaara ayaa doonaya in uu ku laabto Italy sida uu sheegay wakiilkiisu laakiin ma ahan mustaqbalka dhaw sida uu sheegay wakiilkiisu.

“Maalin maalmaha ka mid ah Lukaku waxa uu ku laaban doonaa Serie A-da sababta oo ah wuu jecelyahay Italy laakiin haatan Romelu waxa uu ku faraxsanyahay chelsea”.


Source link