Home Ciyaaraha Wakiilka Romelu Lukaku Oo Fariin U Diray Chelsea. – banaadirsom

Wakiilka Romelu Lukaku Oo Fariin U Diray Chelsea. – banaadirsom

Chelsea ayaa la kulantay dharbaaxo rajadooda ku aadan saxiixa Romelu Lukaku iyadoo wakiilka weeraryahanka uu muujiyay in Inter aysan qorsheyneynin inay iibiso xagaagan.

Xiddiga reer Belguim ayaa ku jira liiska xiddigaha diirada u saaran banaadirsom chelsea iyada oo uu Thomas Tuchel doonayo in weeraryahanka cusub keeno ka hor dhamaadk suuqa xagaagan.

Erling Haaland ayaa ah bartilmaameedka chelsea laakiin Dortmund ayaa diidan in ay iibiso xiddiga iyaga oo ku adkaysanaya in uu sii joogayo xiddigu xagaagan.

Iyada oo ay chelsea ku dhibaatoonayso in ay hesho Haaland waxa ay ka fiirsanaysaa in ay hesho saxiixa xiddig Romalu Lukaku kaas oo ay ku iibisay 28 milyan sanadkii 2014.

Haatan wakiilka Lukaku ee Federico Pastorello oo la kulmay maamulka Inter Milan todobaadkan ayaa sheegay in ayna banaadirsom Inter Milan iibin doonin xiddiga reer Belguim xagaagan.

“Waxa aan la kulmay maamulka banaadirsom waxana aan ka hadlnay xaalado kala duwan”ayuu Federico Pastorello yidhi.

Mar la waydiiyay in ay Inter Milan ka dagantahay xaalada Lukaku ayuu yidhi”Haa, Haa, waan hubaa”.

“Romelu Haatan waxa uu ku maqan yahay fasax, umana malaynayo in uu ka tagayo banaadirsom xagaagan”.

Source link