Home Ciyaaraha Wakiilka Philippe Coutinho Oo Kashifay Sababta Uuna Xiddigu Ugu Biiri Doonin Koox...

Wakiilka Philippe Coutinho Oo Kashifay Sababta Uuna Xiddigu Ugu Biiri Doonin Koox Kale Oo Premier League Ah – Banaadirsom

Wakiilka Philippe Coutinho ee Kia Joorabchian ayaa sheegay in Ixtiraam uu Xiddigu u qabo kooxda Liverpool in uu u diidayo in uu ku biiro kooxaha Premier League.

Xiddiga Philippe Coutinho Ayaa si weyn loola xidhiidhinayay ku laabashada horyaalka premier League oo uu wakhti fiican ku soo qaatay markii uu joogay kooxda Liverpool.

Joorabchian ayaa u sheegay Sky Sports: “Waxaan u maleynayaa in Liverpool ay aad iyo aad ugu dhexjirto qalbigiisa, wuxuu ahaa taageere weyn xilli ciyaareedkii hore”.

Wakiilka Coutinho oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Waxa uu rajaynayey inay ku guulaystaan ​​horyaalka, sidaas darteed waxaan u malaynayaa inay aad ugu adkaan doonto inuu ku biiro koox ay kula xafiiltamaan premier League”.

Philippe Coutinho ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Barcelona xilli ay kooxdu doonayso in ay iska iibiso xiddiga reer Brazil kadib markii uu ku dhibaatooday kooxda.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link