Wakiilka Mohamed Salah Oo Kashifay In Ay Kooxo Badan Oo Reer Yurub Ah Iska Diideen Saxiixiisa & Sababta Oo Uu Kashifay. – Banaadirsom

Wakiilka Mohamed Salah ayaa sheegay in ay kooxo badan oo reer yurub ah iska diideen saxiixa xiddiga Mohamed Salah sabab la xidhiidha in uu u ciyaaro dalka Masar.

Salah ayaa ka soo baxay kooxda Al Mokawloon Al Arab sanadkii 2012 waxana uu ku biiray kooxda Basel isaga oo wixii intaas ka dambeeyay ku biiray kooxaha Chelsea, Roma Fiorentina iyo Liverpool oo uu u ciyaaray.

Wakiilka Salah oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”markii uu Salah ka ciyaarayay Masar may jirin kooxo badan oo reer yurub ah oo doonayay saxiixiisa”.

“Waxa nala soo xidhiidhay kooxo badan laakiin waxa ay isaga diideen saxiixiisa sabab la xidhiidha in uu u ciyaaro Masar”

Salah ayaa haatan ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka waxana jira kooxo adan oo dooni lahaa saxiixiisa hadii ay maanta helayaan.


Source link