Home Ciyaaraha Wakiilka Lautaro Martinez Oo Fariin U Diray Tottenham & Arsenal, Mustaqbalka Xiddiga...

Wakiilka Lautaro Martinez Oo Fariin U Diray Tottenham & Arsenal, Mustaqbalka Xiddiga Ayay Ku Saabsantahay. – Banaadirsom

Wakiilka xiddiga Lautaro Martinez ayaa mar kale ku celiyay ka go’naanshaha xiddiga Lautaro Martinez ee mustaqbalkiisa Inter Milan isaga oo sheegay in uu weeraryahanku wax walba u samayn doono sidii uu u sii joogi lahaa Inter Milan.

Xiddiga reer Argentine ayaa si weyn loola xidhiidhiinayay Kooxaha Arsenal iyo Tottenham si ay ugu xoojiyaan weerarkooda xilli ciyaareedka cusub inta uu furanyahay suuqa xagaagan.

Laakiin wakiilka xiddiga ayaa sheegay in uu Lautaro Martinez doonayo in uu sii joogo Banaadirsom oo uuna waliba rabin in uu isaga tago Banaadirsom.

“Waxa uu doonaya in uu mar kale Inter kula guulaysto Serie A-da, waa wax fiican in uu Inter Milan uga qayb qaato champions league”.

“Sidoo aan hora u sheegay ma doonayo in uu ka tago Itly”ayuu sii raaciyay.

“Lautaro Martinez Waxa uu wax walba u samayn doonaa sidii uu u sii joogi lahaa Inter Milan sababta oo ah wuu ku faraxsanyahay”.

Source link