Home Ciyaaraha Wakhtiga Uu Martin Odegaard Doonayo In Uu Ku Biiro Arsenal Oo La...

Wakhtiga Uu Martin Odegaard Doonayo In Uu Ku Biiro Arsenal Oo La Ogaaday. – Banaadirsom

Martin Odegaard ayaa doonaya inuu dhameystiro ku laabashadiisa Arsenal isbuucaan, sida ay wararku sheegayaan.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Arsenal kadib amaah uu ku qaatay qaybtii dambe ee xilli ciyaareedka iyada oo uu Mikel Arteta taageere u yahay xiddiga reer Norway.

Madrid ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan kadib markii uu Carlo Ancelotti u sheegay xiddiga in uuna ka mid ahayn qorshihiisa xilli ciyaareedka cusub.

Sida laga soo xigtay wargayska Sunday Mirror, Wakiilka Odegaard ayaa u soo safray London si uu u dhamaystiro heshiiska uu xiddigu ugu soo laabanayo Emirates.

Wararka ayaa sheegaya in uu Odegaard maamulka Arsenal u sheegay in uu doonayo in uu dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo Arsenal maalinta Jimcaha soo socda ka hor kulanka chelsea ee todobaadka dambe.

Sii Akhriso: Ma Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn, Ma Doonaysaa In Aad Soo Jiidato Qalbigiisa, Fariimahan U Dir, Shaki La’aan Wuu Badalayaa Go’aankiisa

Source link