Home Ciyaaraha Wakhtiga Uu Albert Sambi Lokonga Tijaabada Caafimaadka U Mari Doono Arsenal Oo...

Wakhtiga Uu Albert Sambi Lokonga Tijaabada Caafimaadka U Mari Doono Arsenal Oo La Ogaaday. – banaadirsom

Xiddiga khadka dhexe ee Albert Sambi Lokonga ayaa lagu soo waramayaa inuu maanta tijaabada caafimaadka u marayo banaadirsom Arsenal ka hor inta uuna dhamaystirin ku biiristiisa Arsenal.

Xiddiga reer Belguim ayaa haatanba heshiis shaqsi ah la gaadhay Gunners, kuwaas oo dhamaystirayay heshiiska ay kula wareegayaan xiddiga todobaadkan.

Waxa ay u muuqataa in ay Arsenal horumar la taaban karo ka samaysay baacsiga ay ugu jirto xiddiga khadka dhexe iyaga oo haatan qarka u saaran in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga.

Saxafiga reer Belguim ee Sven Claes ayaa sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe haatan tijaabada caafimaadka u marayo banaadirsom Arsenal sidoo kale todobaadka dambe la bilaaban doona banaadirsom tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga Albert Sambi Lokonga ayaa ka mid noqon doona saxiixyada la filayo in ay banaadirsom Arsenal dhamaystirto todobaadyada soo socda si ay ugu xoojiyaan kooxdooda ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Source link