Home Ciyaaraha Wakhtiga Ay Real Madrid Ka Gudbinayso Dalabkeeda Ugu Horeeya Kylain Mbappe Oo...

Wakhtiga Ay Real Madrid Ka Gudbinayso Dalabkeeda Ugu Horeeya Kylain Mbappe Oo La Ogaaday. – Banaadirsom

Real Madrid ayaa isku diyaarineysa inay dalab Rasmi ah oo furitaan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Kylian Mbappe ka hor inta uuna xidhmin suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Real Madrid ayaan doonayn in ay sugto ilaa xagaaga dambe si ay ula soo saxiixato xiddiga reer France si ay ugu xoojiso kooxdeeda xilli ciyaareedkan haatan bilowga ah.

Real Madrid ayaan isku dhiibayn diidmada PSG ee xiddiga inkasta oo uu xiddigu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda reer France xilli uu heshiiskiisa haatan dhici doono xagaaga dambe.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Real Madrid diyaarinayso dalab Rasmi ah oo ay ka gudbiso saxiixa xiddiga iyaga oo dalabka ka gudbin doona saxiixa xiddiga 48 saac ee soo socda.

Kylian Mbappe ayaa ku adkaysanaya in uu doonayo in uu isaga tago kooxda PSG waliba doonayo in uu ku biiro kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Los Blancos.

Sii Akhriso: Sababaha Ay Raggu U Doorbidaan In Ay Xidhiidh La Sameeyaan Gabadhaha Da’da Waaweyn.

Source link