Home Ciyaaraha Wakhtiga Ay Man City Dhamaystiri Doonto Saxiixa Jack Grealish Oo La Ogaaday....

Wakhtiga Ay Man City Dhamaystiri Doonto Saxiixa Jack Grealish Oo La Ogaaday. – Banaadirsom

Xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish ayaa dhamaystiri doona ku biiristiisa Man City maanta sida ay sheegayaan wararku.

Kabtanka Aston Villa ayaa maanta qalinka ku duugi doona heshiiska uu ugu biiri doono Banaadirsom Man City oo dhan 100 milyan oo euro.

Wargayska Sportsmail ayaa sheegaya in ay Man City ugu cad-cadahay saxiixa saxiixda khadka dhexe iyada oo ay Banaadirsom Aston Villa la fureen wadahadalo jimcihii la soo dhaafay.

Grealish ayaa ku soo laabtay Tababarka Aston Villa Isniintii kadib markii uu soo dhamaystay fasaxii uu qaadanayay kadib markii uu fasax dheeri ah qaatay kadib ka qayb galkiisii euro 2020.

Banaadirsom Man City ayaa la filayaa in ay Maanta ku dhawaaqdo saacadaha soo socda in ay Banaadirsom Aston Villa kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Jirtaan Laba Wiil Hal Mar Ku Wada Jecle, Ma Doonaysaa In Aad Dooratid Midka Adiga Kuu Fiican, Habkan Fudud Ayaa Ku Caawinaysa

Source link