Home Ciyaaraha Wakhtiga Ay Chelsea Dhamaystiri Karto Saxiixa Jule Kounde Oo La Ogaaday –...

Wakhtiga Ay Chelsea Dhamaystiri Karto Saxiixa Jule Kounde Oo La Ogaaday – Banaadirsom

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay todobaadkan dhamaystiri doonto saxiixa daafaca dhexe ee Jules Kounde kadib markii ay war fiican ka heshay iska iibinta daafaca dhexe ee Kurt Zouma.

Tababaraha chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda uu haysto laakiin chelsea ayaa wali xiiso u qabta saxixia daafaca dhexe ee kooxda Sevilla ka hor inta uuna suuqu xidhmin.

Chelsea ayaa laga diiday dalabkeedii ugu horeeyay ee ay ka gudbisay xiddiga Jules Kounde bishii July kaas oo dhama lacag 30 milyan iyo waliba daafaca Zouma.

Kooxda Sevilla ayaa doonaysa in ay xiddiga 22 jirka ah kaliya fasaxayso hadii la bixiso 61-ka milyan ee lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Wargayska Sportitalia ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea isku diyaarinayo in ay todobaadkan dhamaystirto saxiixa xiddiga kadib markii ay West Ham Bilowday in ay dalab 25 milyan ah miiska u saarto chelsea si ay u hesho saxiixa xiddiga Kurt Zouma.

Sii Akhriso: Marxaladaha Uu Maro Xiriirka jaceyl Ee dhabta ah, Inta Badan Marxalada 3-aad Ma Dhaafaan

Source link