Home Ciyaaraha Wakhtiga Ay Barcelona Ku Dhawaaqi Karto Saxiixa Cusub Ee Lionel Messi Oo...

Wakhtiga Ay Barcelona Ku Dhawaaqi Karto Saxiixa Cusub Ee Lionel Messi Oo La Ogaaday. – Banaadirsom

Banaadirsom Barcelona ayaa doonaysa in ay ku dhawaaqdo heshiiska cusub ee Lionel Messi maalinta bari ee khamiista ah sida uu sheegay wargayska Mundo Deportivo oo ah wargays ku dhaw Banaadirsom Barcelona.

Heshiiska Messi ee Barcelona ayaa dhacay 30 bishii June ee la soo dhaafay ilaa haatana kooxdu heshiis cusub lama gaadhin Lionel Messi.

Barcelona ayaa wajahaysa dhibaato weyn si ay heshiis cusub uga saxiixato Lionel Messi taas oo ah xeerka mushaharka oo u yaala La Liga waliba kooxdu ku qasbantahay in ay hoos u dhigto mushaharka ay bixiso si ay Messi heshiis cusub uga saxiixato.

Wargayska Mundo Depirtivo ayaa sheegaya in ay Banaadirsom Barcelona doonayso in ay ku dhawaaqdo heshiiska cusub ee Lionel Messi maalnta Khamiista ka hor kulanka ay la ciyaari doonaan Banaadirsom Juventus koobka Joan Gamper Trophy.

Banaadirsom Barcelona ayaa la ciyaari doonta Banaadirsom Juventus Axada kulankii sanadlaha ahaa ee ay ciyaari jirtay ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub waxana ay haatan heshiis la gaadhay xiddiga reer Argentine.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Jirtaan Laba Wiil Hal Mar Ku Wada Jecle, Ma Doonaysaa In Aad Dooratid Midka Adiga Kuu Fiican, Habkan Fudud Ayaa Ku Caawinaysa

Source link