Home Wararka Maanta Waa sidee xaaladda degaanka Camaara oo lagu dagaalamay & Wararkii ugu danbeeyay

Waa sidee xaaladda degaanka Camaara oo lagu dagaalamay & Wararkii ugu danbeeyay

Waxaa saaka degan xaaladda degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo shalay gelinkii hore Al-Shabaab ay kula wareegeenweerar ku bilowday qaraxyo oo ay degaanka ku waadeen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ula wareegay degaanka Camaara, kadib markii Al-Shabaab ay isaga baxeen.

Wararka saaka laga helayo degaanka Camaara ayaa sheegaya in xaaladda ay tahay mid caadi kusoo noqotay, balse Bulshada ay weli dareemayaan cabsi ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay saaka duleedka iyo gudaha degaanka Camaara ka wadaan howlgallo kala duwan oo amniga lagu xaaiijinayo.

Degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa horaantii Bishaan Ciiidamada isgarabsanaya ay kala wareegeen Al-Shabaab, hayeeshee Al-Shabaab ay isku dayayaan inay markale dib jla wareegaan.

 

Source link