Home Wararka Maanta Waa maxay Sababta ka dambeysa in Kuuriyada Koofureed ay dhinto Ciidanka ka...

Waa maxay Sababta ka dambeysa in Kuuriyada Koofureed ay dhinto Ciidanka ka jooga Xeebaha Soomaaliya?

Kuuriyada Koofureed ayaa Ciidankeeda Badda ee la dagaalanka Burcad Badeeda gaar ahaan qaybta Cheonghae kala baxeysa Xeebaha Soomaaliya kadib markii laga helay Kiisas kamid ah Covid-19.

6-askari oo kamid ah Ciidamada la socda Markab wax burburiya ayaa laga helay Covid-19, waana sababta keentay in Xukuumadda Seoul ay qaadato Go’aanka ay kula baxeyso Ciidamadeeda la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.

Wasaaradda Gaashaandhigga Kuuriyada Koofureed ayaa dejisay qorshaha ciidankaan looga saarayo howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda, sidoo kale waxaa feejignaan la gelinayaa askarta kale si aanay ugu gudbin Fayruska.

Wakaaladda Wararka Koofurta Kuuriya ee YONHAB ayaa sheegtay in 300 oo askari oo saaran Markabka wax burburiya ee The Great 80 kamid ah lagu arkay Calaamadaha xannuunka dilaaga ah ee Covid-19.

Guddiga Difaaca Golaha Amniga Qaranka ee Kuuriyada Koofureed ayaa 20-kii November 2020 ogolaaday in waqti kordhin loo sameeyo askarta Xukuumadda Seoul ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida & saraakiisha tababarada taageerta Imaaraatka Carabta.

Qaraar waqti kordhin ah oo loo gudbiyay Guddiga Baarlamaanka ayaa la ansixiyay, waxaana sidaas loogu waqti dheereeyay howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda ee ka socda Gacanta Cadmeed & marinta Hormoz.

 

Source link