Home Ciyaaraha Waa Maxay Sababta Ayna Arsenal Wali Ugu Dhawaaqin Saxiixa Nuno Tavares? –...

Waa Maxay Sababta Ayna Arsenal Wali Ugu Dhawaaqin Saxiixa Nuno Tavares? – banaadirsom

Koxda Arsenal ayaa qarka u saaran in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga daafaca Bidix ee banaadirsom Benfican ee Nuno Tavares kaas oo ay ka mid dhigayso saxiixyadeeda xagaaga.

Nuno Tavares wakhti hore yimid magaalada London si uu u dhamaystiro ku biirsistiisa banaadirsom Arsenal una noqdo saxiixa ugu horeeya ee ay samayso Gunners.

Laakiin banaadirsom ayaan wali ku dhawaaqin saxiixa xiddiga iyada oo ay taageerayaasha kooxdu is waydiinayaan sababta ay uu dhawaaqi laadahay saxixia xiddiga.

Wargayska The Mirrror ayaa sheegay in ay sababta ka dambaysa dib u dhacu tahay in ay kooxdu raaxayso xeerka xanuunka Koroan ee u yaala magaalada London.

Xiddiga Nuno Tavares ayaa ka yimid dalka Portugal oo ka mid ah dalalka xanuunka Korona faraha baas ku hayay todobaadyadii ugu dambeeyay dibna ugu soo laabtay.

Sidaas darteed xiddiga Nuno Tavares ayaa galay karantiil ka hor inta uuna dhamaystirin ku biiristiisa banaadirsom Arsenal marka uu karantiilkaas dhamaysto.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddigu todobaadka dambe banaadirsom la bilaaban doono tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub waliba ka qayb qaadan doono kulamada uu horeeya ee saaxiibtinimooyinka.

Source link