Waa Maxay Sababta Ay Thiago Alcantara & Jordan Henderson U Seegeen Kulanka Tottenham. – Banaadirsom

Liverpool ayaa sharaxaad ka bixisay sababta ay xiddigaha khadka dhexe ee Thiago Alcantara iyo Jordan Henderson ku seegeen kulanka Tottenham ee horyaalka premier League.

Labada xiddig ayaa seegay kulanka adag ee ay kooxdiisu la ciyaarayso Tottenham kulan muhiim u ah kooxda Liverpool tartanka ay ugu jirto horyaalka premier League.

Liverpool ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Thiago Alcantara ku seegi doono kulanka shaki laga qabo in uu xiddiga reer Spain qabo xanuunka Korona kaas oo fara baas ku haya kooxaha Premier League.

Sidoo kale xiddiga Jordan Henderson ayaa seegay kulanka kaas oo dhankiisa muhiim u ah kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan horyaalka premier League.

Dhanka kale Liverpool ayaa sheegtay in uu xiddiga Henderson ku seegay kulanka sabab la xidhiidha xanuun aan la xidhiidhin xanuunka Korona.


Source link